Komishanka Doorshooyinka Oo Looga Yeedhay Golaha Wakiilada

0
53

Kulanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa Fadhigoodii 15aad waxa ay maanta xaruunta Golaha kula kulmeen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

 

Fadhigani oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay KDQ oo ay weheliyaan La-taliyayaashiisa Sharci soo jeediyeen dhamaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011 iyagoona sidii loo sixi lahaa ay gudida u soo gudbiyeen.

 

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa sii wadi doona kulamadani labbada galinba ay la qaadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha Siyaasada.