Guddida Is Waafajinta Oo Kulan La Qaatay Sadexda Xisbiga Qaran

0
98

Guddida Is Waafajinta Oo Kulan La Qaatay Sadexda Xisbiga Qara

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa fadhigoodii 7aad ee maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen dhamaan Xubnaha gudidaasi waxa ay si gaar,gaar ah xarunta Golaha Wakiilada kulan xog waraysiya oo ku saabsan xeerarka doorashooyinka kula yeesheen axsaabta qaranka.
1. Wadani
2. Kulmiye
3. UCID

Kulamadan gaar gaarka ah oo saacado badan soconaayay ayaa intii uu socday waxa ay Xisbiyadu keeneen aragtiyo cusub oo ay muhiim tahay in ay ka dhex muuqdaan xeerarka Doorashooyinka Dalka.