Somaliland: Hay’add Dawladeed oo u shaqayn kari wayday dhaqaale xumo haysta awgeed

0
78

Somaliland: Hay’add Dawladeed oo u shaqayn kari wayday dhaqaale xumo haysta awgeed

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha golaha guurtida Somaliland mudane Axmed Dirir Cali, oo gole waynaha la wadaagayay nuxurka warbixinihii ay ka soo ururiyeen doodii kal-fadhiga 82-aad ee golaha ayaa waxa uu sheegay inay jirto Hay’add ka mid ah Hay’addaha qaranka oo u shaqayn la,a dhaqaale xumo haysta awgeed.

 

Taas badelkeeda ay jiraan Agaasime waaxeedyo ka tabcaday shan shan guri iyo gaadiid qaaliya.

 

“Cashuuraha sanad walba si arxan la,aan ah ayaa loo kordhiyaa, wax faa,iido ahn bulshadu kama hesho.

 

Waxa la og-yahay in gaadiidka wadooyinka saxmada ka dhigay intiisa badan ku socdo shidaalka laga iibsado cashuurta laga ururiyay dadka danyarta ah.

 

Waxa loo baahan yahay in Hay’addaha qaranka si mug leh oo daah furran loola xisaabtamo.

 

Waxa la sheegay inay jirto Hay’add qaran oo u shaqayn wayday dhaqaale xumo dayna lagu leeyahay hadana qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadu ay dhisteen shan shan guri, wataana gaadiidka kuwii ugu danbeeyay uguna qaalisanaa.

 

Bals haddii Agaasime waaxeed shan guri iyo gaadhi casriya yeeshay maxaad ka filaysaa masuulka Hay’adda ugu sareeya”.