Akhri:- Wararka Caalamka Qodoboda Ugu Waaweyn Maanta oo Aan Soo koobay

0
61

Akhri:- Wararka Caalamka Qodoboda Ugu Waaweyn Maanta oo Aan Soo koobay

Hogaamiyihii Afgambiga Gabon ku qabsaday oo lagu magacabo Nguema ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Dalkaasi

 

Nguema ayaa lagu dhaariyay qasriga madaxtooyada ee caasimadda Gabon ee Libreville, wuxuuna ballan qaaday doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

 

UPDATE:+

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay roobab culus oo ka sababay daadad xoogan oo ku dhuftay Spain.

 

Daadad xoog leh ayaa waddooyinka u beddelaya webiyo dhoobo ah, waxayna ay xidheen khadadka metrooga iyo waddooyinka tareenada xawaaraha sare leh.

 

UPDUTE:+

 

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii dib loogu soo noolayn lahaa heshiiskii badarka badda madow ee Moscow ay ka baxday bishii July.

Putin wuxuu sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu dib u soo nooleeyo heshiiskii dhoofinta hadhuudhka “sida ugu dhakhsaha badan” marka xayiraadaha laga qaado dhoofinteeda.

 

…..