Talooyin uu soo jeediyay Madaxwayne Daahir Riyaale oo lagaga bixi karo Xalada cakiran ee dalku ku jiro.

0
158

Talooyin uu soo jeediyay Madaxwayne Daahir Riyaale oo lagaga bixi karo Xalada cakiran ee dalku ku jiro.

Madaxwayne waa inaad adigu curisaa Xeerk doorashada ururrada oo aad usoo gudbisaa golaha sharci dajinta, adigoo tixraacaya go’aankii Maxkamada sare ee ahaa in doorashada ururrada toos loo galo iyo jadwalkii komishanka Doorashooyinka Qaranka soo saareen, si looga baxo muranka ah Xeer looma hayo doorashada ururrada.

 

  1. In uu odayaal u diri jabhada buurta gashay oo ciidanka kaso celiyo.

 

  1. Goluhu waa inuu hal bil isku dhaafiyaa xeerka.

 

  1. Komishankow todoba xubnood ayaad tihiin afar halkay u codayso ayaad isku raacaysaan.

 

  1. Xisbiyadow liisankiini waxa uu dhacay 13 Dec 2022, ku biya caba urur ayaad tihiine, una diyaar garooba tartanka la jideeyay.

 

  1. Umada Somaliland waxaan usoo jeedinayaa in ay ka waantoobaan qabyaaladan xadhkaha goosatay ee ay iskugu faanayaan.