Gudoomiye Faratoon oo kusii Jeeda Gobolka Sool.

0
170

Gudoomiye Faratoon oo kusii Jeeda Gobolka Sool

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay Yaasiin Xaaji Maxamuud iyo Wefti u hogaaminayo ayaa Isniinta todobaadkan ku waajahan Gobolka Sool deegaano ka mid ah.

 

Waa markii ugu horaysay ee Gudoomiye Faratoon Booqan doono Gobolkii u ka soo jeeday ee Sool tan intii xilka loo doortay,Gobolka Sool gaar ahaa Magaalada Laascaanood waxaa mudo 9 bilood ku dhaw ka socday dagaalo khasaare badan dhaliyey oo u dhexeeyay Somaliland iyo dadka deegaanka.

 

Gudoomiye Faratoon kama hadlin safarkiisan iyo sidoo kale qorshayasha u waajihi doono xaalada halkaasi ka oogan,waxaana sidoo kale booqashadiisu ku soo beegmaysaa iyadoo maanta magaalada Laascaanood lagu doortay Hogaanka SSC-KHAATUMO ee labada sano ee soo socda maamuli doona halkaasi.

 

Xigasho Mohamed Farah Omade