Wafti Ka socda dawlada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkooda

0
92

Wafti Ka socda dawlada Itoobiya Oo Galabta Lagu soo dhaweeyay Madaarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Iyo ujeedada socdaalkooga!

 

Waxa galabta dalka so gadhay Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka Dalka Ethiopia Mudane: Dr: Alemu Sime.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo ay wehelinayaan, Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisa iyo Safiirka Somaliland u Fadhiya dalka Ethiopia ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Ku soo dhaweeyay Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka Dalka Ethiopia Mudane: Dr: Alemu Sime.

 

Wafdigan ayaa Muddada ay jogaan Kullamo iyo shirar la qaadan doona Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee ka shaqeeya Kaabayasha Dhaqaalaha.

 

Sidoo kale Wafdigu Wuxuu Muddada uu joogo Safar shaqo ku tegi doonaa Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Port iyo Goobaha kale Kaabayasha Dhaqaalaha.