Maxaa Ka Jira Inuu Taliye Dabagale Is Casilayo

0
127

Maxaa Ka Jira Inuu Taliye Dabagale Is Casilay

 

War Kasoo Baxay taliska Booliska

 

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL .

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.

 

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL .