Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Madaxdhaqameedkii Muqdisho ugu yimi xalinta colaada Laascaanood

0
118

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay kulan la yeeshay wafdigii ka yimid Madaxdhaqameedka ahaa ee Muqdisho ugu yimi xalinta colaada Laascaanood.

 

Warkan oo madaxtooyadu baahisay akhri.

 

Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay odayaashii dhaqanka ee iskood isu xilqaamay ee nabadda iyo walaaltinimada u yimid dalka si ay qayb uga noqdaan arrinta nabad ku soo dabbaalidda magaalada laascaanood.

 

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay odayaasha dedaalkooda iyo dhabar adaygii ay Ka muujiyeen xal u helidda nabadda magaalada Laascaanood, iyaga oo muddo ku sugnaa dalka.

 

Waxaanu madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda nabad-raadinta, ka dawlad ahaana ay ku garab taaganyihiin, sidii ay horeba ugu muujiyeen kalsoonida cid kasta oo nabad u socota, collaadda Laascaanoodna wanaageeda wadda.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq