Telesom Group oo 30 milyan oo bir ugu deeqday khasaaraha dabka suuqii Taywaan.

0
56

Telesom Group oo 30 milyan oo bir ugu deeqday khasaaraha dabka suuqii Taywaan

 

Wefti ay hoggaaminayaan boodhka sare ee Telesom Group oo ka koobnaa Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddida Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa ayaa booqday magaalada Jigjiga ee caasimadda Dawlad-deegaanka Soomaalida, gaar ahaan suuqii Taywan ee uu ka dhacay musiibada dabku.

 

Ujeeddada ayaa ahayd in lagu wareejiyo qaadhan dhan 30 milyan bir oo ay ku deeqday Telesom Group iyo in lala wadaago waayo-aragnimadii iyo hannaankii lagu maamulay dib-u-dhiska iyo ka soo kabashadii khasaarihii WAAHEEN.

 

Telesom Group iyada oo la dareen ah shacab-weynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay bilaash ka dhigtay khidmadda lacag-dirista ee shirkadaha TAAJ iyo PAYSII iyada oo lacagaha lagu soo diri karo Daarasalaam Bank iyo KAAFI Micro-finance ee magaalada Jigjiga.