Madaxweynaha Ukraine Iyo Shirka Madaxda G7

0
222

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa gaaray shir madaxeedka, wuxuuna kulamo gaar gaar ah la qaatay madax badan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Hay’adda Oxfam ayaa bayaan ay soo saartay ku eedaysay madaxda G7 inay ku fashilmeen dalalka soo koraya iyagoo aan wax tallaabo ah ka qaadin joojinta deynta ama gaajada caalamka.

G7 ayaa ku cadaadiyay Shiinaha inay ku cadaadiyaan saaxiibkooda istiraatiijiga ah ee Ruushka inuu joojiyo dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku wargeliyay hogaamiyaasha G7 in Washington ay taageeri doonto dadaalka wadajirka ah ee lagu tababarayo duuliyayaasha Ukraine diyaaradaha dagaalka F-16.

Aljzeera