Hooyo Musqul la Duntay Hoygii ay degenayd oo ku yaala xaafada Sh. Mubaarik ee Hargeysa.

0
228

Hooyo Musqul la duntay Hoygii ay degenayd oo ku yaala xaafada Sheekh Mubaarik ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa maanta u gurmaday Hooyo waayeel ah oo musqul kula duntay hoygeeda oo ku yaala xaafada Sheekh Mubaarik ee degmada Gacanlibaax.

 

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay ka soo samatabixiyaan iyadoo badqabta, sidoo kale waxaa la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

 

Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa bishii u dambaysay ciidamadu ka soo badbaadiyeen dad musqulo iyo bullaacado la dumeen.

 

Ugu dambayn dhacdooyinkan ayaa ah kuwo soo noqnoqday waxaana Ciidanka Dab-demisku halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan bullaacadaha ama godadka khatar ugu jira inay dumaan.

 

990 Gurmadka degdega ah