Ruushka Oo Sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday isbitaal ku yaal bariga Ukraine.

0
136

Ruushka Oo Sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday isbitaal ku yaal bariga Ukraine

Weerarkii Ukrain ee gantaalka HIMARS ee uu Maraykanku keenay ayaa ku dhacay xarun caafimaad oo ku taal deegaanka Novoaidar ee Ruushku haysto, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.

Ruushka ayaa ku eedeeyay militariga Ukraine in ay si ula kac ah u weerareen isbitaal ku yaala bariga Ukraine oo uu Ruushka ka taliyo, waxa ay ku sheegtay dambi dagaal oo ay ku dhinteen 14 qof ayna ku dhaawacmeen 24 bukaan iyo shaqaale caafimaad.