Wararkiii u Dambeeyey Shirka Garaadada Sool iyo Waxa Laga Filan Karo

0
275

Wararkiii u Dambeeyey Shirka Garaadada Sool iyo Waxa Laga Filan Kar

Shirka Garaadada Gobolka Sool, ayaa galay maalintii Labaad oo xidhiidh ah.

Shirkan oo maalintii Shalay ka furmay magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa Waxa isku Hor fadhiya oo ku Shiraya Halkaasi dhamaan Garaadada deegaankaasi iyo waxgarad.

Shirkan oo ay isimidan kaga arrinsanayaan Xaaladda deegaanka iyo masiirkooda sida ay sheegeen, ayaa la filayaa in ay Kasoo bixi doonaan maalmaha Soo socda qodobo ay isku afgarteen isimaadasi, kuwaas oo aan hadda la sadaalin Karin Waxa ay noqon karaan.

Garaadada oo intooda badani ay dhowaan Laascaanood u yimadeen Xaaladda ka Taagan Halkaasi, ka dib muddo dhowr iyo toban sanno ah oo ay ka maqnaayeen, ayaa Ujeedada shirkoodu oo salka ku hayaan Xaaladda ka dhalatay Dil Laascaanood loogu geystay Marxuum Hadraawi Sangub oo ka mid ahaa Haldoorka Gobolka Sool kaas oo sababay Mudaharaad xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ka Dhashay, Markii dambe isku Bedelay kacdoon Shacab.

Intaasi Ka dib Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa Xaaladda Laascaanood dejiyey, isaga oo amar ku bixiyey ij Ciidamada Somaliland Laga saaro Gudaha Laascaanood si aanay dhibtu usii badan, ka dib Markii ay xukuumadda Somaliland Oo isku dayday inay xalliso Xaaladda lĂ ascanod Wefti Culusna u dirtay ay waxba ka bedeli wayday Xaaladda ka taagnayd Gobolka Sool.

Waxgaraadka iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Sool oo ay horkacayaan Garaadada deegaankaasi, ayaa Markii ay Soo wada gaadheen Gudaha magaaladda Laascaanood, Waxa uu maalintii Shalay shirka aayo ka tashioodu uga Furmay magaaladaasi, Waxaana Si weyn loogu dheg taagayo Waxa ka Soo bixi doona maalmaha Soo socda iyo qodobada ay ka Soo saari doonaan Xaaladda deegaankaasi ka Taagan.

Somaliland ayaa hore usheegtay inay bixinayso khasaarihii ka Dhashay Rabshadihii Laascaanood oo ah magta dadkii ku dhintay iyo daawaynta dhaawacyada.

Dhinaca kale wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa ku sugan magaaladda Laascaanood, kuwaas oo dusha kala socda Xaaladda iyo shirka Garaadada kana dhur sugaya goaamada ay Soo saari Soonaan, iyada oo ay duleedka magaaladda ku sugan yihiin Ciidamo Somaliland oo dusha ka eegaya amaanka.

Ma Jiro wax war ah oo Kasoo Baxay Shirka Garaadada Sool ee maalintii Labaad Laascaanood Ka socda, balse Waxa Laga dhur sugayaa Waxa Kasoo bixi doona Iyo go,aamada ay Garaadada isku raaci doonaan.

Suxufi Khadar Mucalim Deeq