Maraykanka Iyo Xulufada Yurub Oo u ballan qaaday Awood ciidan oo dheeraad ah Ukraine.

0
183

Maraykanka Iyo Xulufada Yurub Oo u ballan qaaday Awood ciidan oo dheeraad ah Ukraine

Hubka culculus ayaa loo balan qaaday in uu taageerayo iska caabinta Dagaal Culus es Ruushku ku hayo Ukraine

Maraykanka iyo qaar ka mid ah xulafadiisa Yurub, ayaa ku dhawaaqay inay hub cusub siinayaan Ukraine oo ay ku jiraan baabuurta gaashaaman iyo hubka culus, ka hor shir muhiim ah oo lagu xoojinayo difaaca dalka muddo sannad ku dhow ka dib markii Ruushku soo weeraray.

Mareykanka wuxuu sheegay in xidhmada taageerada militari – oo ay ku jiraan gawaadhida gaashaaman, nidaamyada difaaca hawada iyo tobanaan kun oo gantaallo ah iyo madaafiic – ay qiimaheedu dhan tahay $2.5bn.

Sidoo kale Waxaa jiri doona 59 Baabuur dagaal oo Bradley ah iyo 90 Stryker Armored Personnel Carriers, Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa bayaan ku sheegtay sidaas.