Ujeedada Socdaal Uu Madaxweynaha Maraykanka Ku Tagay Mexico

0
241

Ujeedada Socdaal Uu Madaxweynaha Maraykanka Ku Tagay Mexic

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay xadka Mareykanka iyo Mexico tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo 2022.

Booqashadan oo saacado badan qaadanaysa, ayaa daba socotay hindise siyaasadeed uu dhawaan ku dhawaaqay maamulka Biden oo lagaga gol lahaa in wax looga qabto korodhka Xaaladaha dhinaca xuduudah waddankaasi.

Joogitaanka joe ee magaalada El Paso, Texas, ayaa dhacday markii Biden uu u safrayay Mexico, halkaasoo lagu wado inuu maanta la kulmo Madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador ka hor inta aanu ka qeybgalin shir saddex geesood ah oo uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau maalinta Berri ah

“Waxay u baahan yihiin dhaqaale badan. Waanu u helnaa iyaga,” ayuu Biden u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Texas, halkaas oo uu kula kulmay wakiilada xuduudaha ee Buundada Ameerika, taas oo isku xidha El Paso iyo magaalada Mexico ee Ciudad Juarez, waana mid ka mid ah dekedaha ugu mashquulka badan ee laga soo galo. labada dal.