38 qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay basas badhtamaha Senegal.

0
250

38 qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay basas badhtamaha Senegal

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow Kaffrine oo ku taal bartamaha Senegal, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka degdegga ah.

Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhimatay 87 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo marayay meel u dhow Kaffrine ee bartamaha Senegal.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada qaranka ee Number 1,

“Waxa uu ahaa shil halis ah,” Colonel Cheikh Fall, oo ah madaxa hawl gallada ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. “Waxaa jiray 125 dhaawax ah Halka ay 38 ka mid ah ay dhinteen.”

Dadka dhibanayaasha ah ayaa loo qaaday isbitaal iyo xarun caafimaad oo ku taal Kaffrine, isagoo sheegay in burburka iyo basaska burburay la nadiifiyay, isu socodkiina uu si caadi ah u bilowday.

Tani waa mid ka mid ah dhimashadii ugu cusleyd ee hal shil sanadahan dambe ka dhacda dalka oo ay inta badan shilalka wadooyinku ku badan yihiin sababo la xiriira nidaam la’aanta darawallada, waddooyinka oo aad u liita iyo gaadiidka oo xumaaday, sida ay khubaradu sheegeen