Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyey Xaalad Ka Taagan Masjidka Barakaysan Ee Al-aqsa

0
259

Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyey Xaalad Ka Taagan Masjidka Baraysan Ee Al-aqs

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda ka Taagan Masjidka Barakaysan Ee Al-Aqsa, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la ilaaliyo xaaladda ka taagan dhismaha Masjidka Barakaysan Ee Al Aqsa ee magaalada Quddus, balse may ballan qaadin wax tallaabo ah oo ay qaadayaan, maalmo ka dib markii wasiirka cusub ee amniga Israa’iil Itamaar Ben-Gvir uu booqasho muran badan dhaliyay uu ku galay dhismaha masjidka, iyada oo madaxda Falastiiniyiinta ay ku tilmaameen “daandaansi aan hore loo arag”.

dhismaha Masjidka Al Aqsa, ayaa loo ogolyahay in Muslimiinta kaliya ay ku cibaadaystaan ​​goobta, kaas oo ah midka saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka kadib Maka iyo Madiina.