Waddani Muxuu Ku Soo Arkay Gobolka Hawd

0
209

Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbiga Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo xubno kale ayaa kormeeray goobaha diwaangelinta gobolka Hawd.
Masuuliyiinta Xisbiga ayaa bulshada reer Balligubadle ku booriyay in ay si buuxda isugu diwaangeliyaan kaadhka codbixinta islamarkaana qayb uga noqdaan tartanka u dhexeeya gobollada iyo degmooyinka dalka.
Bulshada ayaa dhankooda soo dhaweeyay weftiga Xisbiga WADDANI islamarkaana la wadaagay sida ay uga arradan yihiin waxqabadka xukumadda Kulmiye ee wakhtigeedii dhammaysatay iyo sida ay ugu heellan yihiin isbedelka Xisbiga WADDANI hoggaaminayo.