Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Xaaladda Laascanod

0
207

Beesha caalamka oo sheegtay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood.

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Qoraal kooban oo ay Beesha caalamku kasoo saartay xaaladda Laascaanood, waxay ku sheegtay, in xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waxay ugu muhiimsan.

Beesha caalamku waxay ku baaqeen xasillooni iyo is-xakameyn, islamarkaana xiisadaha jira lagu xalliyo isdajin iyo wadahadal.

Qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka ayaa udhignaa sidan. https://bit.ly/3WER0kS