9 Qof Oo Qarax Ku Dhintay Waddanka Koonfur Afrika

0
101

Gaadhi siday gaas ayaa ku qarxay magaalada Boksburg ee bariga Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ku dhintay ugu yaraan 9 qof, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Raiisel wasaaraha gobolka Gauteng Panyaza Lesufi ayaa ku dhawaaqay dhimashadii ugu dambeysay shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu sheegay in tirada dhimashadu ay sii badan karto

“Tani waa maalin murugo leh gobolkayaga, waa maalin murugo u ah waddankeena. Waxaan Tacsi u dirayaan qoysaska ay dhibaatadu saameysey,” ayay tiri Lesufi.

Sorce Africanews

Suxufi Khadar Mucalim Deeq