Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulan Ka Yeeshay Àrrimo Muhiim Ah

0
129

Waxa maanta ka qabsoomay dalka Djibouti kulan u dhaxeeyay labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Djibouti.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd is xowaraysi ku saabsan Masharuuca Baanku la wado Wakaaladda ee ah Daraasada Wadada Lawyacado-Fardaha-Borame iyo kastam xadeedka labada dal oo qayb ka ah Mashruuca (One Stop Border Post).

Kulanka ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka,Maareyaha Wakaladda Horumarinta Wadooyinka, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Djibouti iyo Baanka Horumarinta Africa.

Dhinaca dalka Djibouti waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiirka Wasaarada Jidadka,Maareeyaha Dekadaha Djibouti iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Djibouti,

Waaxda Xidhiidhka iyo Tiknaloojiyadda RDA