Qisooyinkii Ugu Xanuunka Badnaa Ee Qaraxyadii Soobe-2

0
97

Qisooyinkii Ugu Xanuunka Badnaa Ee Qaraxyadii Soobe-

Layaabkii ila xanuunka badnaay xalay oo aan ku arkay hospital-ka digfer, wuxuu ahaay xalay waxaa isku meel laskugu keenay dadkii meydka ahaay allaha Unaxariiste.

Qolkaas waxaa gali karay qofkii qof ka maqan yahay iyo masuuliyiintii kormerka ahaay, waliba qeybta meydka waxaa buux dhaafiyay dad aad iyo aad u badnaay.

iridda waxaa laga celin wayay hooyo tiri waxaa iga maqan dadkeygii oo dhan ee walalayaal iridda halmar ifasaxa xitaa waxay sugi waysay inta dadkii ka horeeyay kasoo baxayeen,

Hooyadaas waxay leedahay waxaan lug iyo carar ku tagey 40 hospital ka badan, waxaa iga maqan seddex qofood wiilkeygii curudka ahaay iyo gabadheydii iyo ninkii qabay gabadheyda.

hooyadii qolkii waa lagu fasaxay iridda hore inta aysaan gelin ba waxay madaxiisa aqootay, wiilkeedii curudka ahaay sido kle waxaa geeska kale yaalay seedigiis halka xitaa gabadhii laga helay qolkale,

Hooyadii banaanka ayeey usoo baxday iyadoo Quus, Ooyiin, murugo iyo xanuun ka muuqdo oo ku celceline ilaahoow adiga isiiyay oo iga jaclaaday waa Quustay ee goorme la duugaa oo aan soo laabta,

Xalay ka hore Nolasheyda indhaheyga masaarin wlhi dad lagu leeyahay ka dhex baaro hadii qof ka maqan yahay, janadii allaha ugu bishareeyo shaqsi kasta ee halkaas ku naf waayay.

X/Q Dr.Gagaale General Hospital