๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ง ๐Š๐š๐ซ๐š ๐‡๐š๐๐ข๐ข ๐€๐ฒ ๐…๐ฎ๐ฅ๐ข ๐–๐š๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐๐จ๐๐จ๐›๐š๐๐ข๐ข ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ซ๐ฑ๐š๐ฃ๐ข๐ฌ

0
343

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐Š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐š๐ง ๐Š๐š๐ซ๐š ๐‡๐š๐๐ข๐ข ๐€๐ฒ ๐…๐ฎ๐ฅ๐ข ๐–๐š๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐๐จ๐๐จ๐›๐š๐๐ข๐ข ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ซ๐ฑ๐š๐ฃ๐ข.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Beesha Garxajis ee khamiistii kusoo xidhmay magaalada Burco ayaa lagasoo saray 7 qodob oo salka ku haya muranka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Nuxurka qodobadan oo ahaa in Beeshu aanay ogalayn muddo kordhinta guurtidu u samaysay Madaxwaynaha, isla markana aanay aqbalayn doorasho ka dhacda deegannadooda, hadii laga noqon waayo muddo kordhinta labada sanno ah ee Madaxwaynaha loo sameeyay, lana qaaan waayo soo jeedintii gudiga doorashooyinka ee ahayd in 9 bilood gudahood lagu qabanaayo doorashada Maxtooyada.

Goโ€™aankan ayaa waxaa ka dhashay Dareeno kala duwan kuwaas oo bulshadu is waydiinaayo in ay wax ka badali doonaan muddo kordhintii guurtida iyo aragtida siyaasadeed ee Xukumadda Biixi.

Fulitaanka qodobada kasoo baxay shirka Dal-wanaaje ayaa waxaa ku xeeran tuhuno kala duwan kuwaas kala ah mid sharci iyo mid yisaasadeed.

Ta sharcigaa ayaa ah in dastuuri ay tahay muddo kordhintu, horena aanay u dhicin mid laga laabay, waxaanay u muuqataa in sidaa ay ku dhaqan gashay, balse waxa la is waydiinayaa in uu wax ka badi doono goโ€™aanka Beesha G36.

DHinaca kale arinta siyaasadeed ee ku gadaaman qodobadan shirka kasoo baxay ayaa ah goโ€™aanka Madaxwaynahaee ku aadan qabsoomida doorashooyinka oo ilaa hada aanay ka muuqan wax tanaasul ah, kuna doodaya inuu ku taaqan yahay dariiq sharci ah, lana qaban doona doorashadii ururada Siyaasada oo kasoo horaysa ta madaxtooyada, sida uu Madaxwaynuhu ku celiyay markale malintii Khamiista.

Arinta ugu xasaasi ayaa ah in beeshu ay sheegtay in aan deegaanadeeda ka qabsoomayn doorashada ururradu, taas oo marka la gaadho wakhtigeeda la gayn doono deegaaadeeda sannaaduuqda codaynta, iyadoo xukumadu adeegsanayso awooda ciidanka, waxaana suura gal ah in halkaasi uu ka yimaado isku dhac, maadama oo Beeshu aanay ogalayn in deegaannadeeda ay doorasho ka dhacdo, hadii aan la helin heshiis siyaasadeed oo ay isku waafaqsan yihin labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee xaladdan ka dhalatay goโ€™aamada kasoo baxay shirkii Dalwanaaje ee Garxajis iyo Khilaafka taagan ee doorashooyin, ayaa loo baahan yahay in xal laga gaadho ka hor muddo xileedka Madaxwaynaha, iyada oo laga duulayo in aanay wax dhibaato ahi dhici, taasna waxa looga fadhiyaa madaxda dawladda iyo beeshan qo’aamada soo saartay, in ay ku dhameeyaan is afgaradkii ay somliland kuso cano maashay.

Ahmed-nuur Samraawi