TPLF: “MAAMUL CUSUB AYAA TIGREEGA LOO DHISAYAA’

0
107

TPLF: “MAAMUL CUSUB AYAA TIGREEGA LOO DHISAYAA

Taliyaha ciiddamada Tigreega,Tadase Warada ayaa sheegay in magaaloyin muhiima laga qabsaday,wuxuuse xusay inay jabhadayn doonaan islamarkaana magaaloyinka oo la qabsado aan dagaalka lagaga guulaysan karin.

“Magaaloyin la qabso inaan dagaalka lagu guulaysan karin ayaan tusaynaa.Dhulka Tigreega qubuurahooda ayaan ka dhigaynaa.”; ayuu yidhi Tadase.

Tadase Woreda,wuxuu kaloo sheegay in Dowladda dhexe maamul cusub oo maamula Tigreega ay dhisayso.Wuxuu sheegay in Dr Alamu Seme Dowladda dhexe u dooratay hoggaanka Tigreega,wuxuuse intaas raaciyay inuusan Tigreega maamuli karin oo aysan u suurta galaynin qorshahaas.

Dhanka kale Getachew Reda, oo ka falcelinaya warbixintii The Economist soo saartay ee sheegaysay in dagaalku Mekelle gaadhay ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan.Wuxuuna xusay in dagaalka ka socdo meel Mekelle ka fog oo u jirta 160 KM.Getachew, ayaa beeniyay wararka sheegaya in garoonka diyaaradaha Mekelle laga qabsaday.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV