Muuqaalkii u dambeeyey ee wiilka gudka ku jira Sanaag in ka badan 25 saac

0
155

Wali maan dhiman waxay se u eegtahay in aan mar dhaw dhimanaayo!

Waxa qoray:Jama Hussein, Ceerigaabo.

Dhiil ka culus, dhib ka weyn iyo dhawaac sidaas oo kale u dhirbaaxa maankayga wali maan arag. Caawa xanuun gudeed oo aana lahayn awood aan waxa kaga qabto ayaa ka dhex oogan aniga maankayga iyo maskaxdaydaba. Haa waxaan is leeyahay qudhaaduba in aad ila mid tahay waa hadii dhawaaqa dhacdadan dhagahaagu ay maqleen.

Bal adigu sheeg murug ka weyn iyo xanuun ka culus qof 24-Sacaadood gunta hoose ee god ku jira oo ayna dawladiisi i gurman, dadkiisiina ay iska indha tirayaan xaaladaas soo food-saartey.

Wiilkaas hadii maanta qof dili lahaa qabiil kale ah qoryaha ayaa lala soo wada qamami lahaa! sababta oo ah hiilka, tolnimada, geesinimada iyo islaamnimada ayaa aynu u naqaana sidaas.

Reer Sanaag gabal baa u dumay caawa waana run iyo xaqiiqo aan layska indho saabeyn taasi.

Maamuullada isku eryada gawaadhida ee intaas hor-taagan dadkeena reer Sanaag wali mid kaliya dhac-dadaas kama hadlin! Iskaba da’aa in uu ka hadlee waxa suurta-gal ah in aanu ogeyn.

Soomaaliya , Soomalinad iyo Putland ayaa ay intaas u kala safanyihiin dadka gobolkan ku nooli, caawa intaas midna lagama hayo waxa garab istaag ah iyo waxa taageero ah toona.

Markaa sow gabal inooma dumin oo dhibkaas inagu iskuma keeniin. Haa dad bilaa talo ah oo qabyaaladi kala qoqobtay sow ma nihin haa oo ma dafiri karno.

Odayashii, Culimadii, dhalinyaradii siyaasiyintii isku wada qaado cid dhiiladaas ka gadootay ilaa hadeer lama hayo.

Dadka deeganka MILXO ku sugan ee ilaa iyo markii uu godka ku dhacey walaalkeen dadalka ugu jira siday u bad-baadin lahaayeen waan ku bogaadinayaa arinkaas bini-aadantinimo ee ay sameeyeen. Alle weyne ha soo samata-bixiyo.

Wixii damiir nooli ku jiro ee in uun ay ku hadhey qid-cad bini-aadantinimo arinkaas waa in ay ka dhiidhidaa inta uu ka dhiidhiyi karaayo.

—————————————————
SANAAG – MILXO 07-10-2022.