Wararkii U Dambeeyey Dagaalka Tigrey Iyo Itoobiya

0
281

Wararkii U Dambeeyey Dagaalka Tigrey Iyo Itoobiy

Ciidmada Jabhadda Tigrey oo ku dagaallamaya hub casriya ayaa goobo Muhiim ah ka qabsaday Milateriga Itoobiya iyo Jabhadda Amxaarada oo is garabsanaya. Dagaal culus oo maalintii saddexaad galay ayaa labada dhinac weli ku dhexmaraya waqooyiga Itoobiya. Ciidanka Tigreega ayaa la sheegay iney heleen gantaallo casri ah oo ay uga hor tagaan Diyaaradaha Drons-ka oo ay adeegsaneyso xukuumadda Abiy Axmed. Gantaalladan ayaa la sheegay iney sabab u yihiin guulo isdaba joog ah oo jabhaddu kagaartay dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya.