Murashax Cirro Oo Xabsiga GABILEY ku booqday 23 hablood oo ku xidhan

0
202

Murashax Cirro Oo Xabsiga GABILEY ku booqday 23 hablood oo ku xidha

Wefdi aan hoggaaminayo waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xabsiga dhexe ee Gobalka Gebilay oo aan ku soo booqannay 23 Hablood oo Caasimadda Hargeysa laga soo xidhay maalintii Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI qabteen bannaan-baxa nabadgelyo ee 11 August 2022 iyada oo aan xadhigooda loo marin dariiq sharci ah.

Hablaha caarkeenna ah ee xidhan wax dambi ah oo ay faraha kula jireen may jirin oo aan ka ahayn in ay dareenkooda iyo doonistooda cabirayeen, waa dhaqan aan Dimuqraadiyadda, Xuquuqal insaanka iyo xorriyadda hadalka ku liddi ah falka lagula kacay hablaheenna oo dhammaantood u badan arday iyo hablo shaqeynayey.

Waxa aan ugu baaqeynaa in xorriyadooda degdeg loogu celiyo taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee ku xidhan Xabsiyadda Mandheera 47, Gebilay 23, Baki 7 iyo Hargeisa oo aanaan tiro sugan laga hayn.