Xukuumadda oo Dalal shisheeye ku eedaysay inay carqaladeynayaan amnigeeda

0
163

Xukuumadda oo Dalal shisheeye ku eedaysay inay carqaladeynayaan amnigeed

Hargeysa – Wasiirka wasaaradda xanaannada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland, murane Siciid Sulub Maxamed, ayaa dalal shisheeye ku eedeeyay abaabul ka dhan ah colaad la’kala dhex dhigo mucaaradka iyo xukuumaddda, ujeedka laga leeyahayna ay tahay si nabadgelyo darro loo abuuro.

Inkastoo aanu sheegin dalalka fowdadaasi abaabulaya, waxa uu tilmaamay in qorshaha yahay in wadamadaasi qaska wada ay doonayaan inay kala dhex galaan mucaaradka iyo xukuumadda marka xaaladdu meel adag ay gaadho.

Waxaanu yidhi.“Haddii dowlado ajinabi ahi waxay inala jecel yihiin ee xumaana cid kale la inoo soo kiraysto waa ayaan daro.

Anigu maalin dhawayd warbaan maqlay la leeyahay mucaaradka waxay ku yidhaahdeen gaalada qaar meeshu waa iska nabade hadad doonaysaan in aanu idin kala qabano dab shida”.