Culimada DDSI Iyo Madaxweyne Mustafe Oo Bayaan Soo Wada Saaray

0
186

Culimmada Deegaanka ayaa kulan ay isugu yimaadeen saaka oo ay kumarti qaadeen Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ka soo saaray baaqani hoose:

  1. Waxaan cambaaraynaynaa falalkii argagixisadu ka gaysteen Deegaankeenna.

  2. Waxaan taageeraynaa una hambalyaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee ay ku soo afjareen ciidankeennu hawlgalkii lagu sifaynayay Al-shabaab.

  3. Waxaan bogaadinaynaa kaalintii muhiimka ahayd ee xukuumadda iyo taageeradii shacabka Deegaanku u fidiyeen Ciidammada Xoogga Gaarka ah.

  4. Waxaan guud ahaan bulshada ugu baaqaynaa in ay sii labo jibbaaraan taageerada ay la garabtaagan yihiin ciidanka Deegaanka.

  5. Waxaan bulshada ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan falalka gurracan iyo fikirrada khaldan ee ay xambaarsan yihiin argagaxisada Al-shabaab.

  6. Waxaan bulshada u caddaynaynaa in ay Al-shabaab wax sal iyo raad ah ku lahayn diinteenna Islaamka.

  7. Waxaan culimmada Deegaanka ugu baaqaynaa in ay si joogto ah ugu caddeeyaan bulshada afkaarta khaldan ee ay aaminsan yihiin Al-shabaab, taas oo ku dhisan in ay gaalaysiiyaan dadka daadiyaanna dhiigga muslimiinta iyo khalkhal-gelintooda.

  8. In masaajidka iyo manaa birta bulshada looga sheego dhibaatada fikirka argagixisada Al-shabaab.
  9. In la garab-istaago hay’adaha amniga loona hoggaansamo dhammaan amarrada lagu sugayo amniga.

SRTV Somali