Khasaraaha Ka Dhashay Qarax Jawhar Ka Dhacay

0
159

Sawirada Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay afaafka hore ee hotel ku yaala magaalada Jowhar oo ay degan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Inkastoo Qaraxa uu gaystay burbur aad u badan hadana waxaa la soo warinayaa in khasaaraha uu yaryahay ilaa iyo hada.