Golaha Guurtida Oo Xeer Ansixiyey iyo Waxa uu yahay

0
129

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay xeerka xuquuqda carruurta ee dalka, kaas oo wax-ka-baddel iyo kaabis ay ku sameeyeen guddi gaar ah oo golahaasi u saaray.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ay mudanayaasha golahaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka xuquuqda caruurta xeer Lr. 102 /202.

Sidoo kale guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanyaaasha golahaasi ku wargeliyay in fasax muddo 45 cisho ay ay gali doonaan.