Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amar ka dhan Mooto Bajaajyada habeenkii shaqeeya

0
180

 

Muqdisho – Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa Maanta galinkii dambe ku dhawaaqay inay soo gabagabeeyeen wajigii koowaad ee howlgalka ay ugu magac dareen Samakaab oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka kula dagaalamayeen budhcada hubeysan iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wajiga koowaad ee howgaladii ay wadeen ay kuso qabqabteen kooxo budhcad ah oo dadka dhibaateyn jiray, maandooriye aad u fara badan iyo dadkii ka ganacsanaayay.

Afhayeenka ciidanka Booliidka Soomaaliya Cabdifataax Aadan, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay inaan gudaha magaalada Muqdisho lagu arki karin Mooto Bajaaj ka dhex shaqeyneysa mar haddii la gaadho 12:00-AM ama lixda saac ee habeenimo, isagoona inta ku daray inaan Muqdisho lagu dhex arki karin askari hubeysan aanan qeyb ka ahayn ciidanka howlgalka sameeynaya.

Waxaanu yidhi.”Waxaa bilaabanaya wajiga labaad ee howlgalka Samakaab, waa dambi in la arko Mooto Bajaaj shaqeyneysa wixii ka dambeeya 12:00-AM Saqda dhexe mootadii socota xiliga kadib waxaa loo aqoonsanaya kuwa wax dhibaateeya, sido kale ma dhici karto shaqsi wata dareeska ciidanka iyo Qori in lagu arko Xaafada Muqdisho”

Hadalka Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf uu sheegay inaan Muqdisho lagu dhex arki karin askari hubeysan oo dareeska ciidanka xidhan oo dhex socda xaafadaha magaalada Muqdisho.