Maraykanka Oo Aqbalay Pasaporka Somaliland

0
531

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bile, ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku aqbashay Passport-ka Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu ku yidhi sidan;

“Dawladda Maraykanku way aqbashay Baasaaboorka diblomaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. In badan oo ka mid ah waftiga Madaxwayne Muuse Biixi baasaaboorkan ayay ku dhoofeen.”