Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo u ambo baxay dalka Maraykanka

0
287

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar shaqo ugu ambo baxay dalka Maraykank
Hargeysa:12/03/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Mudane Jaamac Muuse Jaamac oo ka socda Bulshada rayidka ah, ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.

Wa-bilaahi tawfiiq