Yaa tuuray Gantaalka la filayo in uu ku qarxo Dayaxa sacaadaha soo socda?

0
253

Yaa tuuray Gantaalka la filayo in uu ku qarxo Dayaxa sacaadaha soo socda?

Dayaxa

Gantaal lagu qiyaasay in culeyskiisu yahay saddex tan ayaa la filayaa in uu dayaxa ku dul burburo sacaadu marka ay tahay 12:25 GMT maanta oo Jimca ah.

Saynisyahannada ayaa waxay markii hore u maleeyeen in gantaalka ay leedahay shirkadda SpaceX uu leeyahay Elon Musk, ka dibna waxay markale shegeen in uu leeyahay dalka Shiinaha, arrintaas oo Shiinuhu iska diiday.

khubaradu waxay sheegeen in sameyn weyn uusan dayaxa u geysan doonin.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in maalmo ama xitaa toddobaadyo ay qaadan karto si loo xaqiijiyo cidda leh gantaalkan.