Suuq qaab casri ah loo dhisay oo laga hirgaliyay magaalada Tog-wajaale.

0
159

Suuq qaab casri ah loo dhisay ayaa laga hirgaliyay magaalada Tog-wajaale.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhigga ka jaray suuqa noocyada kala duwan ee khudaarta iyo hilibka ee magaalada Tog-wajaale. Xadhig-ka-jarkan ayay madaxweynaha ku weheliyeen wasiiru-dowlaha Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Bulshada dalka, marwo Alamitu Omad iyo wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka DDS, mudane Mallow Ibraahim.

Suuqan oo ay dhistay hay’adda Havoyoco ayaa waxaa lagu soo gabo’gabeeyay muddo toddobo bilood ah, halka ay qorshaysnayd in sannad lagu soo gunaanado, waxaana ku baxday kharash lacageed oo dhan 7 milyan oo Birr.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa u mahad-naqay hay’adaha hirgaliyay mashruucani oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay in lagaga raysan doono cadceeddii, boodhkii iyo waliba nadaafad-darradii ka jirtay goobtii hore.

Hay’adan ayaa mashruucan kala kaashatay hay’adda Trade Mark East Africa, waxaana qorshaysan in suuqan si la mid ah loo sii ballaadhiyo magaalooyinka xuduudaha Deegaanka ee sida Mooyaale iyo Dawanle.

SRTV Rasmi Page