Madaxweyne Farmaajo oo shir ugu baaqay Xisbiyada Siyaasadda dalka

0
402

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Xisbiyada Siyaasadda dalka ee heysta Shahaadooyinka ku KMG in ay ka soo qeybgalaan shir wadatashi ah.

Kulanka uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee Wadajir u dhaxmara madaxtooyada Soomaaliya iyo Asxaabta Siyaasadda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doona Xisbiyadan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

Xisbiyada la filayo inay kulanka ka muuqan doonaan ayaa waxaa ka mid ah Xisbiyo lagu tiriyo inay u janjeeraan dhanka dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay taageero u hayay.

Kulanka lagu baaqay ayaa daba-socda kulankii Arbacadii toddobaadkii hore dhaxmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaashii ka horeeyay ee hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here