Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeya maamulkiisa

0
438

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golayaasha kala duwan ee dowlad gobolleedka ayaa sheegay in la soo afjaray gabi ahaanba khilaafaadkii hareeyay bilihii ugu danbeeyay maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii xarunta Baarlamaanka Puntland, isaga oo si gaar ah u soo qaatay Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka lagu qabtay.

Deni ayaa sheegay in hadda lagu guuleystay in meesha laga saaro wixii khilaafaad ah eejira, islamarkaana Puntland ay bilaabeyso baal cusub oo wada shaqeyn ah, iyadoo dhawaan Baarlamaanka Puntland uu doortay guddoomiye cusub.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cabdixakiin Maxamed Axmed Doobo-Daarreed ayaa wali safar dhulka ah ku maraya qeybo ka mid ah deegaannada Puntland, isaga socdaalkiisa ku tilmaamay la tashiyo uu la sameynayo dadka deegaannadda uu ka soo jeedo si loo badbaadiyo ayuu yiri Puntland.

Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here