Beelihii Soo Saaray Muuse Biixi Oo Taageeradii Kala Laabanaysa Xisbiga Kulmiye Iyo Halka Ay Ku Biiri Doonaan Oo La Saadaalinayo.

0
376

Beelihii Soo Saaray Muuse Biixi Oo Taageeradii Kala Laabanaysa Xisbiga Kulmiye Iyo Halka Ay Ku Biiri Doonaan Oo La Saadaalinayo.

 

 

” Maxaa Ka Jira In Xisbiga Kulmiye Degdeg U luminaayo Taageerayaashii Kursiga Saaray Kadib Markuu Dantiisii Gaadhay ”

 

 

 

 

Taalabuur (Somalilandrise ) Siyaasiyiin,Waxgarad,Aqoonyahan ,Dhalinyarada Iyo Haweenka Mid ka mid ah beelaha miisaanka leh ee Kasoo Jeeda Gobolka Togdheer ayaa La Sheegayaa inay Saluugeen Qaabka maamul,Saami Qaybsi Iyo Waxqabad ee Xisbiga talada haya ee Somaliland ee Kulmiye .

Waxgaradka Beesha Yeesif maxamed oo Dega Magaalooyinka Hawdka Burco oo ay ka mid Yihiin Maxamed Ugaas, Jaamac Qabar, Taala Buur , DabaqabadIyo Balidhiig Kuwaasi oo ay Sheegeen Inaanay haba yaraatee Waxqabad La taaban karo Xukuumadu Waxba Ka Qaban

Dhinaca kalena Waxaa Ay Xaqiijiyeen In uu Xisbiga Kulmiye Indhaha kala Laabtay Kadib markuu Deegaamadaasi Cod baaxad Leh kazoo Xanbaartay Xiligii Madaxweynaha Somaliland ee Waqtigan Muuse Biixi Cabdi Ku Jiray Ololaha Baryootanka Cod raadinta Deegaamada Dalka Qaarkood Gaar ahaana Goobahan Aynu Soo Sheegnay.

” Ma Jirto haba yaraatee Taageero aanu Usii hayn Doono Kulmiye Iyo Xukuumadiisa maadaama Aan Ilaa Iminka Saamigayagii Iyo Waxqabad Deegaamadaydii Ah Laga hayn,Waana Xaaraan Inaanu Indhaha lasii raacno Meel Aan Nalaga rabin,Xisbiyada Qaranku Way Badan Yihiin,Doorshadiina Waxba kama hadhin haday Tii Golayaasha Deegaanka tahay iyo Haday Tahay Tii Baarlamaanka,Waxaana La Ogaan Doonaa In Sidii Oo Kale Maalmahaas Soo Socda Duleedka Naloo Soo yuurursado Iyadoo Baryootan Wax Nalagaga Doonaayo ” Sidaa Waxaa yidhi Mid ka mid Ah Dhalinyarada Beesha yeesif maxamed oo Walaac Ka muujiyay In Taageerada kulmiye iyo Xukuumadu Ay gabaabsi kusii tahay Beeshooda.

Guux Iyo Hugun Aaya laga Dareemayaa Dhamaanba Deegaamada bariga burco Qaarkood Waxaana La Saadaalinayaa In Xisbiyada mucaaridka ahi Ku Awood bataan isla markaana Xisbiga Talada haya Dib looga gurto Sababo jira Awgood.

Taageerayaashan Aaya Sidoo kale farta ku Fiiqay inaan haba Yaraatee Aanay Saami u Qalma ku haysan beeshooda Xisbiga Haya Talada Somaliland Oo Cirka u Calaamadiyay Xili Dadkii la mid ka Ahaa Ay heleen Waxqabad Iyo Saami ku Filan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here