Qoriiley : Maamulja Gobolka Iyo Degmada Laascaanood oo Goob Caafimaad Ka Qotomiyay Deegaamo Hor Leh

0
371

Degaanka Qoriley ee cidhifka K-Bari ee gobolka Sool ayaanu maanta ka dhagax dhignay xarun MCH oo uu Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu bixinnayo dhammaan miisaaniyadda ku baxaysa .

Xaruntan aan dhagax dhignay oo aan ogahay inay dabooli doonta baahiyaha ka jiray & kuwa ku imaan kara dhanka caafimmaadka Carruurta & hoyooyinka ayaan rajaynnayaa inaan
dhawaan aanu iyadana furi doono insha allah.

Horumarinta adeegyada caafimmaadku waxay safka hore kaga jiraan qaddiyadaha ahmiyadaha kowaad u ah Xukuummadda Madaxweyne Biixi waana tan keentay in isagu si gaara bilaabidda dhismah xaruntan uu ugu aaday.

Nabad horumar G-sool ku talabsado in.a

Guddoomiyaha gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here