Maxay Kala Kulmeen Dalka Uganda Weftigii Somaliland Ku Metelayay Shirka Baarlamaanada Dunida ee Kampala

0
319

Kampala:26/09/2019 (Somalilandrise)-Wefti ballaadhan oo ka socda Baarlamanka Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle , ayaa gaadhay dalka Uganda, iyaga oo ka qaybgeli doona shirka 64-aad ee Baarlamka dalalka ururka barwaaqo-sooranka (Commonwealth parliament) oo ka dhacaya Dalka Uganda.
Shirkan oo si rasmi ah u furmaya khamiista maanta 26/09/2019, ayey weftigu kaga qaybgelayaan casuumad rasmi ah oo ay ka heleen madaxweynaha dalka Uganda Yoweri museveni, waxana halkaas loogu soo dhaweeyey si heer sare ah (full protocol).
Dhinaca kale, weftiga Somaliland, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Uganda Hon. Sam Kutesa.
Sidoo kale, Madaxwaynaha Dalka Uganda Mudane Yoweri K. Museveni ayaa si rasmiya ugu casuumay Madaxtooyada Dalka Hogaamiyaha Weftiga Somaliland, ahna Gudoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Mudane Axmedyasin Sheekh Cali Ayaanle.
Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Uganda Ambassador Xamse Dool, ayaa kaalin mug leh ka qaatay hawlaha casuumadda iyo fududaynta kulamada muhiimka ah ee dhexmaraya weftiga iyo saraakiisha sarsare ee xukuumadda dalka Uganda katirsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here