Shacabka Laascaanood oo Lacag ugu deeqay Qorshaha Bilicda Magaalada iyo Masuuliyiin Ka Hadlay

0
346

Taageerada Dhaqaale ee ay Ganacdatada iyo Bulshada Gobolka sool u fidiyeen Hawsha Masterplan ka Laascaanood ee shaqadeedu socoto

Waxaan maanta ku wareejinay Wasiirka Waasaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta Mr Cabdirashiid Ducaalle Qanbi Lacag dhan 20,000$ (Labaatan Kun oo dollar )
Lacagtaas oo ay Bulshada iyo Ganacsatadu ugu talo gashay in lagaga shaqeeyo hawsha Horumarineed ( town plan )ee ka socota Degmada Laascanood

Hawshani waxay cadayn u tahay sida ay ugu heelan yihiin Bulshada reer laascanood inay helaan magaalo la tartanta magaalooyinka kale ee dalka, hormuudna ka noqoto horumarinta magaalooyinka Dalka

Waxaanu Balan qaadaynaa anigoo ka wakiil ah madaxwaynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi inaanu shaqo kasta u qabano sida ugu fiican ee loo qaban karo si loo helo Horumar baaxad leh oo uu gobolku ku talaabsado, Maaha mashruucii koowad ee degmada laga fulindoono, waxaa inoo soo socda Mashaariic horumarineed oo badan

Alla Mahadleh
Abdiqani Mohamoud Jiidhe
Gudoomiyaha Gobolka Sool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here