SAWIRO-Maamulka Gobolka Sool oo Ka Qaybgalay Xuska Todobaadka Naasnuujinta Hooyada.

0
548

Laascaanood(Somalilandrise)Maamulka Gobolka Sool Kan Degmada Laascaanood iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qayb Galay Xuska Todobaadka Naasnuujinta Hooyada oo lagu qabtay Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa Halkaasi ka hadlay waxaana ay ku tilmaameen muhiimada naaska Hooyadu leeyahay

 

 

 

Naaskaa hooyadaa lagu nagaadaa.

Todobaadka naasnujinta j-somaliland.

Naas-nuujintu Waa Hibo, hooyada uun ku deeqi kartid. Jidhkeedu waxa uu samaysan yahay Nuujinta naaska, Ilmhuna waxay dhashaan iyaga oo raba caanaha hooyadood.

Caanaha Naaska waxaa ka buuxa nafaqada uu ilmahaagu u baahan yahay ee korisa ama kobcisa. Waayo, Waa caano ilmaha loogu Talo galay. Aad bay u fududahay in jirkoodu uu dheef-shiido. Caanaha naasku waxay ilmaha ka ilaaliyaan xanuuno fara badan iyo jeermiska xanuunada keena. Carruurta naaska la nuujiyo intooda badan kuma dhacaan, xanuunada ay ka mid yihiin, Dhega xanunka, Xasaasiyada, neefta, sonkorow, Kansar, iyo dhibaatooyin kale oo Aan tiro lahayn. Naas nuujintu waxay kale oo kuu tahay caafimaad, waana Jidka saxa ah ee kalgacayka iyo naxariista adiga iyo ilmaha dhasha.

Nabad horumar baaxadleh oo G-sool kutalabsado insha alah

Guddoomiyaha gobolka sool.
Abdiqani maxamuud jiidhe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here