Fashilka Wasiir gaafaadhi ka Haysta Xoolihii Loo Xilsaaray,Kaluunkii Masuulka looga Dhigay Iyo Nabadayntii Beeshiisa ee Ceelafweyn.

0
465

Hargaysa(Somalilandrise) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo kaluumaysiga Xasan maxamed cali gaafaadhi oo Tiraba Sadex jeer ku fashilmay hadalo kazoo yeedhay oo ku Wajahan Xoolaha Xayiran ee Somaliland u dhoofiso Dalka Sucuudiga Ayaan Ilaa iminka Shacabka Xoolo Dhaqatada ah ee Abaaruhu Saameeyeen Wuxuu Ku maaweelinayaa Sida Caruurta been Iyo Waxaan Sal iyo raad toona lahayn.

DAAWO XASAN GAAFAADHI OO RAJO LA’AAN KA MUUJIYAY XIDHIIDHKII SACUUDIGA IYO SOMALILAND EE DHOOFKA XOOLAHA, KANA HADLAY QAABKA UU BERBERA UGA BAXAY MARKAB SACUUDIGA KU XAYIRANI.

Hore Ayuu Wasiir gaafaadhi wuxuu U Diiday Warqad Sucuudigu Soo Qoray Isagoo Dadka Xoolaha Leh U sheegay inay Haystaan Xoolahooda oo aanay iib geyn inta la helaayo suuq Sucuudiga ka duwan taasina Waxay Jilbaha ugu Dhufatay Wasiirka In La Hoos tago Somaliya Isla Markaana raiisal Wasaare mahdi Guuleed Xoolaha Soo fasaxo
Waakan Muuqaalka Wasiirka oo Xoolaha Diidan

Wasiirka oo hore u Ahaa Afhayeenka Xisbiga kulmiye ayaa sidoo kale Kaalintaasi ku banaanaatay Waxaana uu Jilbaha Dhigtay Xafiiskiisa isagoo Noqday masuul Waagu ku baryay kadib Markii uu irbad Dun u gelin Waayay Inuu Xukuumada ka Difaaco Eedaha hadh iyo habeen sida Roobka ugu Socda ee uga Imaanaya Xisbiyada Mucaaridka ah.

Xasan Gaafaadhi oo Masuul ka Saarnaa nabadaynta Beeshiisa ee Dagaalka ka Wada ceelafweyn Ayaa Waqti Xaadirkan aan Saamayn togan iyo Mid tabanba Ugu fadhiyin Beesha uu kazoo Jeedo ee ceelafweyn oo Uu Waxba ka Qaban waayay inuu u guntado Daminta Shaqaaqadaas u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee Halkaas Wada Dega .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here