Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Hada Ka Hadlay Dagaalka Ceelafweyn

0
375
  • Hargaysa(Somalilandrise) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka qayb qaataan dajinta wararka dhiilada ah iyo xakamaynta faafinta wararka kordhinaya dhibaato kasta oo dalka waxyeelaysa.
Suxufiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta waxaan ugu baaqaynaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyigalanayo bulshada sidii ay Nabada u ilaashan lahaayeen, isla markaana uga hortagi lahaayeen cid kasta oo qayb ka ah colaadaha soo noqnoqda ee goboladda qaarkood ku dhex maraa deegaanada qaarkood.
Ururka SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka iyo waxgaradka kala duwan ee Somaliland inay masuuliyad culus iska saaraan xalinta iyo soo af-jarida khilaafaadka Qabaliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee jira.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here