Midawga Yurub oo doortay hogaan cusub iyo warbixin ku saabsan haweenayda la doortay

0
471

Ursula von der Leyen, wasiirka Gaashaandhiga dalka Jarmalka ayaa noqotay hawaynadii u horraysay ee loo doorto madaxweynaha midowga tan iyo markii lasaasay.

Haweenaydan ayaa ka mid noqotay 5 qof oo loo magacaabay jagooyinka ugu sareeya midowga, waxayna Bedelaysaa madaxweynihii hore Jean-Claude Juncker

Xubnaha kale ee loo magacaabay jagooyin sar sare ee Midowga yurub waxaa ka mid ah Ra’isul Wasaaraha Belgian Charles Michel oo loo magacaabay madaxa guddiga midowga yurub, Josep Borrell Fontelles oo midowga yurub u qaabilsan siyaasadda Diban iyo Christine Lagarde oo hoggaamin doonta bangiga dhexe ee Midowga Yurub

Barlamaanka Yurub oo sidoo kale dooran doona booska 5aad oo ah guddoomiyaha Barlamaanka, Waxaa sidoo kale la filayaa inay cod u qaadaan von der Leyen

Waa tuma von der Leyen?

Von der Leyen ayaa hore u noqotay haweenaydii u horraysay ee qabata Jagada wasiirka gashaandhiga Jarmalka sanadkii 2013kii, jagadaasi oo ilaa maanta ay haysatay

Haweenaydan oo 60 jir ah ayaa siyaasada soo gashay iyadoo 43 Jir, waxay bahwadaag la tahay hoggaamiyaha Garmalka Angel Merkel. Waxay xubin ka noqotay xisbiga CDU 1990kii, Sanadkii 2003dii waxay noqotay wasiirkii arrimaha bulshada, haweenka iyo Caafimaadka. Jagooyin kale ay qabatay waxaa ka mid ah inay noqotay wasiirka Shaqaalaha Jarmalka iyo xubin ka tirsan Barlamaanka federaalka Jarmalka.

Dad badan waxay aamisan yihiin inay bedeli doonto Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angel Merkel oo xukunka ka dagaysa marka uu dhamaado xiligi xil haynteeda.

Xogasho. HORSEEDMEDIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here