Wararkii u dambeeyey Trump iyo Kim oo ku kulmay soohdinta hubka ka caaggan

0
476

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa iminka ku kulmay soohdinta sida wayn uga caaggan hubka ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed halkaas oo ay si diirran isugu gacan qaadeen.

Mr Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee xil haya ee cagta dhiga Kuuriya Waqooyi kaddib markii uu Kim kula kulmay soohdinta hubka ka caaggan ee u dhexaysa labada Kuuriya.

Kulankan aan horay loo sii qorshayn ee ka dhacaya soohdinta hubka ka caaggan ayaa imaanaya kaddib markii Mr Trump uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu halkaas ku marti qaaday Mr Kim.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in “is gacan qaad kaasi” uu “nabad” horseedi doono

Xigasho bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here