Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Somaliland oo Kasoo muuqday Dhexdhexaadinta Kooxyari u Tagtay Nayroobi

0
375

Nayroobi(Somalilandrise) Wakiilka JSL u fadhiya Nairobi wareysiga uu siiyey Horn Cable TV, wuxuu Ku sheegay in uu maanta ka dhacayo shir hore dhac u ah wadahadaladii Somaliland iyo Somalia oo Nairobi lagu qabanayo.

Shirkan Waxaa Qayb ka Ah Urur uu Gudoomiye Ka yahay Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo Lagu Magcaabo Cabdilaahi maxamed Cumar Lagu Naanayso (MEEQAAM SARE) Kaasi oo Ay Aad iskugu Dhowaayeen Ilaa Xiligii ololaha Madaxweynaha Iminka ee Somaliland Muuse Biixi cabdi

 

Waxaa Soo baxay liiska muujinaya magacyada ka soo qayb galaya shirka oo ay qaban qaabisay hay’ada la yidhaa Centre For Humanitrian Dialogue,oo uu  Wakiil Ka yahay Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Madaxtooyada Somaliland u Qaabilsan Fududaynta Hawlaha Muqdisho Kaga Xidhma isla Markaana La Xaqiijiyay Inuu u Dhexeeyo Nayroobi Iyo Muqdisho Isla Markaana Gunadiisa Hargaysa Looga Tuurtuuro Ayaa Soo Qaadatay mashruuc ay u bixisay  wada hadashiinta dalalka iyo qaybaha ay colaadi ka dhaxayso, Sida Somaliland Iyo Somaliya

Sida magaca shirka (Consensus Building for Somalia- Somaliland Dialogue Process) ka muuqata waa mid ujeedadiis tahay abuurista isla-ogolaansho in Somaliland iyo Somalia wada hadlaan, mana aha mid lagu kala gar-naqsanaayo, Maadaama Aan In la wada hadlo wali la gaadhin,

 

xubanaha ku qoran shirku waa kuwo hay’ado iyo dawlado kala aragti ah ka soo jeeda. Waxaana badan xubnaha aan ahayn Somaliland & Somalia, balse ah ajaanibka noloshoodu ku xidhan tahay dalalka dhibaataysan.

Wararka Ayaa Xaqiijinaya Inaanu Shirkan Nairobi Ahayn wada hadalo dib u furmay oo dhex mara Somaliland iyo Somalia, Sababta Ayaana Lagu Sheegay inaanuu arinkaa wada hadalada Ka Furnin ilaa iminka labada dhan, Taasi oo u Muuqanaysa in sidii loo furi lahaa uu shirkani ka hadlayo

 

Cabdilaahi Maxamed Cali Oo Arintani Ka Faalooday Ayaa Farta ku fiiqay Inaanu Shirkani Ahayn Sida uu Sheegay Wakiilka Somaliland ee Nayroobi Baashe Cumar Cali Waxaana uu yidhi .

 

” Shirkaa Nairobi sida uu inoogu sheegayo wakiilka Somaliland, Baashe Cumar ma ah, waxaanu u muuqdaa mid sida uu ku sheegay ay tahay dhaqankii xukumadii hore ee Kulmiye ee dadka wuxuun u sheeg uun ahayd, aan lahayna midho-dhal ama xaqiiqo sidaa u sii qoto dheer, waxa ay inoo sheegi jireen “. Ayuu Yidhi Cabdilaahi Maxamed Cali Oo Qoraal Ku Baahiyay Bartiisa Facebook.

 

 

Dhinaca Kale Il-wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa xaqiijiyay in shirka lagu ballamay Nairobi ee Somaliland iyo Soomaaliya uu ahaa mid ku saabsan arrinta hawada sare oo hore ay Soomaaliya ula wareegtay Taasi oo La Sheegay inuu Soo fududeeyey Sidii Bal Dhex looga Noqon lahaa Arinta hawada Ururka H doo uu Wakiil uga Yahay Somalida Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliland cabdilaahi Maxamed Cumar.

Somaliland, ayaa laga rabay in ay saxeexdo heshiish ah in Dawladda Federalka gacan loo geliyo lacagta cashuurta hawada sare oo lagu qiyaaso kudhawaad 1 billion oo dollar sannadkii.

Dadka arrimahaas isha ku haya, ayaa aaminsan in ajandahaasi yahay midka ugu macquulsan marka la eego xubnaha Somaliland dirsatay oo uu kamidyahay maareeyaha duulista Somaliland.

Villa Somalia, ayaa beenisay warka sheegaya in shir-gogol xaadh u ah wadahadalladii masiiriga ahaa uu labada dhinac uga furmay Kenya.

Ilaa hadda lama hubo in Somaliland ay saxeexday heshiishka dhaqaalaha hawada sare ee lasheegay in shirkoodu uu ku saabsanaa iyo inkale.

Eeg sawirka qoraalka shirkan Nairobi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here