Gudoomiyaha Baanka Somaliland Oo Dabaq Cusub ka Dhisanaya Hargaysa Iyo Sawirada Dabaq Dheer Oo Uu Isdul Saartay + Sawiro Iyo Muuqaal.

0
451

Hargaysa(Somalilandrise) Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland. Cali Ibrahim Cali (Cali Baqdaadi) ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilka Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, waxa uu ku hawlan yahay dhismayaal cusub oo uu ka wado magaalada Hargeysa. Dhismayaashan ayaa ah qaar uu gaar u leeyahay

Gudoomiye Cali Baqdaadi dhismayaasha cusub ee uga socda magaalada Hargeysa wax a ka mid ah dhismo balaadhan oo isugu jira Fooq iyo bakhaaro, kuwaas oo ay dhismahoodu ka socdaan xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Cali Baqdaadi waxa la sheegay in uu lacag badan galiyay dhismayaasha uu gaarka u leeyahay ee dhismahoodu ka socdo haatan Hargeysa, waxana la sheegay in uu ka qandaraasay shirkad gaar loo leeyahay taasi oo la sheegay in ay ku baxayso lacag badani.

 

Goobta uu ka socdo dhismuhu waxa ay markii hore ahaan jirtay xaruntii dhexe ee Xisbiga Wadani, waxana ugu deeqay in ay degaanGudoomiye Cali Baqdaadi. Hasa yeeshee markii xilka Gudoomiyaha Baanka loo magacaabay ayuu ka saaray, waxanu gabi ahaanba dumiyay dhismihii markii hore ku yaalay Goobta isaga oo ka bilaabay dhisme fooq dhowr dabaq ah, halka uu sido kale ka dhisaayo dhowr bakhaar oo waawayn kuwaasi oo uu ugu talo galay in uu ka sameeyo dukaano waawayn oo wax laga iibiyo

 

Cali Baqdaadi ayaa ka mid ahaa kaadiriintii xisbiga Wadani ee sida reernimada ah u taageeri jiray, waxanu inta badan ku dhiiri gelin jiray masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Wadani in aanay aqbalin natiijo kasta oo ka soo baxda gudida doorashooyinka hadii aanay dani ugu jirin xisbiga Wadani

Weriyayaal ka tirsan shabakada wararka ee Saylactoday.com ayaa maanta booqday goobta uu ka socdo dhismuhu iyago sawiro ka soo qaaday

Shacabka Somaliland ayaa sugayaa talaabada uu ka qaado madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, gudoomiyaha Baanka Dhexe maadama oo uu ku foogan yahay ka faraqabsi hantidii umada.

Daawo Sawirada dhismayaasha gudoomiyaha Baanka Dhexe uga socda Magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here